U bood dhigaalka

Roobab Lagu Diirsaday oo Ka Da’ay Qeybo Kamid ah Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay ayaa waxaa saacadihii ugu dambeysay Roobaab xooggan oo lagu diirssaday ayaa waxaa ay ka da’een gobollada dalka, kuwaas oo ah xilliga Deyrta oo la sugayay.

Roobabka ayaa si xoogga xalay uga da’ay deegaanno kamid ah dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan gobollada Nugaal Mudug iyo qeybo kamid ah gobolka Galgaduud, xilligaan ayaa waxaa inta badan jirta abaar  baahsan.

Sidoo kale Roobabkii xalay ayaa waxaa sidoo kale ay ka da’een qeybo kamid ah gobollada Sool, Bari iyo Ceyn, waxaana magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, marka laga tago dhulka kale ee roobsaday waa dhul howdka ah ee Miyiga.

Roobabka da’aya ayaa waxaa ay bilow u yihiin roobabka Deyrta waxaana ay kusoo aadayaan xilli dalka ay ka jirto abaar baahasan, iyadoo malmihii tagay qeybo kamid ah gobollada Waqooyin, waxaana wali dalka ka jirta abaar baahsan.

Goobjoog News