U bood dhigaalka

Safaaaradda Mareykanka ‘’Waa Talaabo Muhiim ah Go’aankii DFS Ay Ku Aqoonsatay Axmed Madoobe ‘’

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talaabo  hore loo qaaday ay ahayd , aqoonsigii Dowladda Federaalka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed  Islaam.

Waxa lagu sheegay qoraalka in tani ay dhabaha u xaari karto  dib u heshiisiin iyo in la gaaro yoolkii ahaa in ay madal  isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo  maamul goboleedyada.

‘’Waxa bogaadinaynaa  aqoonsiga Dowladda ee Madaxwayne Axmed Madoobe iyo shirka iyo shirka madaxda maamul goboleedyada ‘’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo soo baxay safaarada Mareyanka ee Soomaaliya.

Shalay war ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in  Dowladda Federaalka ay U aqoonsatahay  Axmed madaxweyne KMG ah isla markaana  dib u heshiisiin u sameeyo dhinacyadii ku kala irdhoobay doorashadii uu ku soo baxay  Madoobe.

Goobjoog News