U bood dhigaalka

Salaad Roob Doon ah oo Maanta Laga Tukaday Cadaado

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta laga oogay Salaadda Roobdoonta ah, kadib Abaar baahsan oo ku dhufatay gobolka iyo guud ahaan dalka intiisa kale, waxaana dib u dhacay Roobka Go’a oo aan wali si wanaagsan u Di’in.

Maamulka Degmada Cadaado, ardeyda iskuulada, kuwa Dugsi Qur’aanka, Culumaaudiin Dhalinyaro haween waxgarad aqoon yahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Cadaado ayaa qeyb ka ahaa salaadda maanta la tukaday.

Qaar ka mida Culumaaudiika ka qeyb galay Saalada roobdoonka ah ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada Cadaado ka dalbaday iney is cafiyaan si wada jir ahna Allaah looga baryo in uu noo dambi dhaafo Raxmadiisana ugu Deeqo dadka.

Hadal heynta ugu badan ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado Iyo degaanada ku xeeran ayaa ahaa kuleyl ey dadku si isku mid ah udareemeen, kaas oo ka dhashay Roob la’aanta iyo Abaarta baahsan ee dalka oo dhan ku dhufatay.

 

Goobjoog News