U bood dhigaalka

Saqiir Kale Oo Lagu Fara Xumeeyey Xamar

Sebteembar 20, 2020

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii tagay kufsi kale uu ka dhacay caasimadda Muqdisho, markan waa gabar saqiir ah oo 5 jir ah,

Samiira Yuusuf Maxamed  ayaa la sheegayaa in lagu kufsaday Waaxda Faanoole, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo ninkii fara xumeeyeyna uu baxsaday.

12-kii bishan ayey aheyd markii la weriyey in wiil yar lagu kufsaday xaafadda Djibouti ee degmada Shingani, wiilkan waxaa uu jiray 10 sano.

11-kii isla bishan waxaa inta la kufsaday, dabaq laga tuuray gabar 19 jir aheyd, waa Xamadi Maxamed Faarax, in ka badan 5 qof ayaa loo hayaa kiiskeeda.

Arrimahan kufsiga ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho xilli hindise sharciyeed la xiriira kufsiga uu yaalo golaha shacabka.

Goobjoog News