U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaaray Degmada Baxdo

Sheeko:Dalka
Saraakiil katirsan Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ee bartamaha ee dowlad goboleedka Galmudug, waxaana saraakiishu ay u kuurgaleeyeen xaaladda amni ee Baxdo, kadib dagaal dhowaan ka dhacay oo u dhaxeeyay xooggag ka tirsan  dagaalamayaasha Al-shabaab iyo dadka deegaanka.
Saraakiishaan waxaa hogaaminayay taliyaha guutada 1aad qeybta 12-ka April G/sare Hassan Mohamed Abukar Jaamici, waxaana isaga oo ka hadlayay magaalada uu mahadceliyay dadka deegaanka uu sheegay in iyagu ay mudnaan gaar ah leeyihiin, isaga oo carabka ku dhuftay in ciidanka ay garab taagan yihiin dadka degmada Baxdo.
“Annagu hadda waa iska soconaa raggii halgamay oo sharaftii Baxdo iyo deegaanka soo saaray waa adinka, annagu waxaan idin leenahay hambalyo, waan idiin hambalyeynaynaa, intii naga dhimatay Allah unaxariisto, inta naga dhaawacantay Allah u booga-dhayo, inaad sharaf iyo cisi ku noolaato iyo inaad  ku dhimato waxba kaagama dhexeeyaan” ayuu yiri.
Dadka ku dhaqan Degmada Baxdo ayaa dhowaan magaalada kula dagaalamay Al-shabaab, kadib markii xooggag ka tirsan ay ku soo qaadeen weerar, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ka socda deegannada dowlad goboleedka Galmudug.
Goobjoog News