Sayid Aden: AMISOM Ma Faragelin Doonto Doorashada Jubbaland

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubooyinka ay faraglein ku sameynayaan Arrimaah doorashooyinka Jubbaland, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay maamulka Jubbaland.

 

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa faah faahin ka bixinayay kulan dhexmaray taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM oo u dhashay dalak itoobiya iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.waxaa uuna yiri ” waxaa lagu heshiiyay dhowr qodob oo ay ka mid tahay in la dardar galiyo la dagaalanka dadka ammaanka lidka ku ah sidii horay la is kaga kaashan jiray,taas oo ay kawada qeyb qaadanayaan Amisom, ciidamada daraawiishta Jubbaland, ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada kale ee naga caawin jiray, waxaa kale oo la is ku raacay in arrimaha doorashooyionka waxaa ay madaxdii Amisom cadeeyeen in wax faragalin ah ayna ku yeelan doonin”
Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW