Seddax Qof Oo Ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaas qarax ka dhacay .
Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano SURF .
Inta la xaqiijiyay Seddax qof ayaa ku dhimatay Qaraxa , kuwaas oo dhamaantood saarnaay gaariga Miinada ay la kacday , halka dhaawac uu ka soo gaaray Haweeney goobta ka ag dhaweyd .
Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco GoobJoog News