U bood dhigaalka

Sheekh Shaakir Oo Madaxweyne Loo Doortay

Sheeko:Dalka

Doorasho maanta ka dhacday maagalada Dhuusamareeb, ayaa xildhibaanada baarlamaanka Ahlu sunna waxa ay madaxweyne u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Doorashadan ayaa ka dhacday xarunta Inji oo xarun u ah Ahlu sunna, waxaana Sheekh Shaakir la tartamayay murashaxiinta kala ah Cabdulahi Maxamad Aadan iyo Axmed Kooshin.

Xildhibaanada Ahlu sunna ee soo xaadiray doorashadan ayaa gaarayay 74-mudane kuwaas oo markii dambe si gacan taaga ugu codeeyay Sheekh Shaakir, ka dib markii murashaxii la tartamayay uu tanaasulay.

Galmudug waxaa ay xilligan leedahay saddex baarlamaan, madaxweyne Axmed Geelle Xaaf waxaa uu magacaabay ilaa 68 xildhibaan, Ahlu sunna waxaa ay ku dhawaaqday 69 xildhibaan halka uu jiro baarlamaanka kale oo dowladda federaalka ah aqoonsantahay oo gaaraya 89 xildhibaan, Baarlamaanka Ahlu sunna ayaana maanta madaxweyne cusub doortay.

Sidoo kale murashaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa iyagu codsaday in doorashada Galmudug dib loo dhigo 2 todobaad maadama aan loo dhammeyn.

Maadxweynaha ay maanta doorteen baarlamaanka Ahlu sunna ayaa ku soo aadaya xilli maanta murashaxiinta doorashada  Galmudug ay hortageen Xildhibaanada ay aqoonsantahay dowladda, halkaasi oo ay hadalo ka jeediyeen.

Goobjoog News