U bood dhigaalka

Shirka Dib u Heshiisiinta Hobyo Oo Maanta La soo Gabogabeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xirayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Habargidir ee muddada ka socday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, Galmudug.

Shirka ayaa arbacadii lagu doortay guddoomiyaha golaha hoggaaminta beesha oo noqday  Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

Shirkan ayaa laga heshiiyey dhammaan wixii beelahaasi soo gala gaaray xiliyadii hore, waxaana la filayaa in hoggaanka cusub uu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka beesha iyo aayaheed.

Shirka xiritaankiisa waxaa jooga mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah uu hoggaaminayo ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno ay ku jiraan Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuuriye, Cabdi Qeybdiid iyo murashaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Goobjoog News