U bood dhigaalka

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho, iyadoo ay soo gaareen wufuud hordhac ah.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaataan Farmaajo, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada iyo wax ka bedelka qaar kamida qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

Deni iyo Madoobe ayaa bannaan joog ka ahaa shhirkii Dhuusamareeb3, kaas oo dowladda federaalka, maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir,kaas lagu gaaray  heshiis doorasho.

Goobjoog News