U bood dhigaalka

Siciid Deni oo Daahfuray Shir Looga Hadlayo Dakhliga iyo Wax Soo Saarka

Sheeko:War
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowlad Goboleedka  Puntland, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan.
Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha , waxaana ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowlad Goboleedka  iyo taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
DowladGoboleedka Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, waxaana wasaaradda maaliyaddu sheegtay in lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyo oo lagu fuliyo dhismaha Wadooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda horumarin.
Goobjoog News