U bood dhigaalka

Soomaaliland oo Xaqiijisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Maajo 13, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in maanta deegaannada maamulkaasi ay ku soo kordheen xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ka dib markii dad looga shakiyay xanuunka lagu sameeyay baaritaan.

Warbixinta maalin laha ah ee Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in 6 qof oo cusub laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 466, waxaana ay sheegeen in xanuunkaasi ay u dhinteen 5 qof halka ay bogsadeen 7.

Dadkan maanta laga helay xanuunka Coronavirus ayaa waxa ay kor u qaadeysaa tirade guud ee laga diiwaan geliyay guud ahaan deegaannada Soomaaliland waxaana madaxweyne Muuse Biixi shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar ku aaddan safmarka COVID-19.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkan laga helay 1,170 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka.

Goobjoog News