U bood dhigaalka

Trump oo Isbitaal la Dhigay, 32 Maalin Ayaa Doorashada Ka dhiman!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump  oo 74 jir ah ayaa saacadihii tagay la dhigay isbitaal kadib markii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid 19.

Xanuunka dilaaga ee uu ka cabanayo Madaxweynaha ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan doonaan doorashada oo 32 maalin uun ka dhiman tahay, marka laga reebo 15 maalin uu karantiil ah waxa haraya ayaa ah wax yar, waaba haddii uu fiicnaado e.

Dhanka kale, wararka waxaa ay sheegayaan in saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida waxaa sare u kac laga dareemayaa qiimo badan oo shidaalka ku jiro, waxaa hoos u dhacay seyladaha,  lamana oga waxa dhici doona haddii uu sii darsado.

Goobjoog News