U bood dhigaalka

Urur Siyaasadeedka Mideeye Oo Ku Guulaystay Duqa Deg. Qardho

Sheeko:Dalka

Golaha deegaan Degmada Qardho gobolka Bari ee Puntland oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 2021-kii ayaa markii ugu horaysay soo doortayguddoomiyaha degmadaas iyo duqa magaalada, kadib doorasho dhacday.

Golaha deegaan ayaa guddoomiyaha iyo duqa magaalada waxaa ay u doorteen Cabdi Siciid Qaal, kadib markii 20 cod uu ka helay golaha oo ka kooban 33 xubnood, waxaana musharraxii la tartamay uu helay 7 cod oo golaha ah.

Golaha deegaanka magalaada Qardho ayaa waxaa lasoo doortay 25-kii Octobar 2021-kii, doorasho qof iyo cod ah oo maamul goboleedka Puntland ay qabatay markii ugu horaysay, waxaana ay doorteen guddoomiye cusub 2022.

Goobjoog News