U bood dhigaalka

Ururka Suxufiyiinta Puntland oo Maanta Xabsiga Ku Booqday Wariye Kilwe

Sheeko:Dalka

Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo lix todobaad iyo maamul u xiran hey’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka maamulka Puntland ee loo yaqaano PISA, ayaa maanta waxaa xabsiga ku booqday ururka Suxufiyiinta MAP.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane.ayaa sheegay in wariye Kilwe shalay loo wareejiyey xabsiga dhexe ee Garowe oo maanta ay ku booqdeen ururka iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mr. Caynsane, ayaa sidoo kale caddeeyay in suxufi Kilwe Aaden Faarax ay u qabteen Qareen, l si dacwad loogu oogo hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka maamulka Puntland, oo uu mudda shan iyo toban cisho ah u af-duubnaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka MAP, wuxu walaac xooggan ka muujiyay hanjabaad iyo caga-juglayn xiriir ah oo uu sheegay xukuumadda Puntland ay ku hayso Suxufiyiinta madaxa-bannaan ee ka howlgala deegaannadaas.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in falkaan uu meel kadhac ku yahay xuquuqda aadanaha laguna tumaaayo Dastuurka u yaallo maamulka Puntland uu xusay inuu sheeagay in eedeysanaha 48 saac sharciga lagu hor geeyo sida uu xusay.

Goobjoog News