U bood dhigaalka

Wafd Ka Socda Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Gaaray Baardheere

Sheeko:Dalka

Wafdi oo uu hugaaminayey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta masiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay qayb ka yihiin Sanatar Fartaag iyo Wasiir ku xigeenka waxbarashada Axmed Daqarre ayaa maanta gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalin ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba kadib roob xooggan oo halkaas ka da’ay.

Roobaabka Fatahaado ka dhashay ayaa sababay ku gerida ilaa 7-ruux halka malmo ka horeeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof taasoo dhimashada ka dhigaysa 20 qof, halka dhawacyo ay ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ilaa laba qof oo rayid ah.

Gudoomiye Hay’adda ayaa Magaalada Baardheere gaarsiiyey laba diyaarad oo wada shixnad mucaawino ah oo iskugu jira raaashin, daawo iyo dhar madaama halkaasi intooda badan shacabkii ku nolaa ay ku barakaceen fatahada wabbiga hataana ah dadkaas ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolasha ah .

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta masiiboyinka qaranka mudane Maxmud Macalim iyo Masuliyintaan kale ee la soctay ayaa u kuurgalay xalaadaha fataahada wabiga isaga oo booqasho ku tagay Buundada Degmada Baardheere  oo biyaha ku burburtay, xaruntii martida oo khawaarijta qaraxyo ku burburiyeen iyo guryo badan oo ay daganaayeen dad shacab ah oo daadka uu qaaday.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.Goobjoog News