U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Gaaray Galmudug

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Mudane  Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Goboleedka Galmudug.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) , Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug, iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in laga fuliyo dhawaan iyo xaaladda guud ee Abaaraha ee ka jira Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug mudane Osman Macalin Xasan.              

Goobjoog News