U bood dhigaalka

Warbixin:-Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Dib U Dhigtay Go’aan Gaarista Eedeyn Aan Sal Laheyn Oo Loo Soo Jeediyay Weriye Gurbiye

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir looga yeeray Tafaftiraha guud ee Goobjoog  Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye si uu uga garnaqo dacwad ay ku soo oogtay Villa Somalia.

Maxkamadda marka ay furantay kadib Garsooraha maxkamadda  Maxamuud Yaasin Jaamac ayaa Gurbiye weydiiyay in uu galay eedeeynta loo soo jeediyay, taas uu Tafatire Gurbiye iska fogeeyay, waxaana dhageysiga eedeeybnta dibad joog ka ahaa Warbaahinta.

Qareennada Weriye Gurbiye ayaa ku dooday in dacwadaan ay dastuuri tahay isla markaana qaadisteeda aysan awood u laheyn Maxkamadda Gobolka Banaadir

Abuukaate Daahir Carab iyo Abuukaate Mowliid Xaaji Mataan oo ah Qareenka u doodayay  Wariyaha ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwada loo heysto Wariye Cabdicasiis Gurbiyo.

‘’Eedii laga keentay Weriye Cabdicasiis Gurbiye waxaan ku sameynay Is-hortaag sharciga waafaqsan” sidaas waxaa saxaafada u sheegay Abukaate Daahir Carab.

Waxa maanta nasiib dara ah in maanta  Cabdicasiis Gurbiye loo cuskado qodobo ka mid ah xeerka ciqaabta oo madaxweynuhu sheegay in ay dhaceen’’ Sidaas waxa yiriXogyahayaasha  FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ”

Dhanka kale Xogyaha SJS Cabdalla Axmed Muumin  ayaa isagana yiri ‘’ Eedeymaha oo ka imaanayay dhanka Madaxtooyada ayaa waxa nasiib dara ah in seddax jeer bedeshay qodobada eedeynta’’

Dr Xasan Sheekh Cali oo ku sugnaa Maxkamda Gobolka Banaadir ayaa sheegay In loo baahan yahay in dacwada loo haysto Weriye Gurbiye loo maro hab cadaalada waafaqasan.

‘’Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa  in ay ogaadaan in qof kasta uu cabiro ra’igiisa isaga oo dhowraya Dastuurka  Dalka‘’ ayuu yiri Dr Xasan Sheekh Cali.

14-kii Bishii April ,2020 ayaa Weriye Cabdicasiis Axmed  Gurbiye  waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan oo lagu xiray  , 19-kii isla bishaas ayaa lagu sii daayay wariyaha damiin.

Goobjoog