U bood dhigaalka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo daadajineysa hab-dhismeedka kasii diga Musiibooyinka heer Maamul Gobaleed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland

Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga

Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee  Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA.

Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.

Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS  oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad hey’adda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka.

“Farxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.”

Maareeyaha hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda hey’adaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal

Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli hey’adda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa hey’adaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso hey’adaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka

“Si loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida hey’adaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada, waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay hey’adahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faa’iideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.”, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalay xarunta ka digista halis-wadareedka

Halkan Ka Daawo Warbixinta Ka Soo Baxday Wasaarada Gargaarka Iyo Masiibooyinka DFS

Goobjoog News