U bood dhigaalka

Wasaaradda Haweenka Puntland Oo Soo Bandhigeysa Rag Kufsi Geystay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda haweenka ee Puntland ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonaan dhowaan rag kufsi ka geystay deegaanno ka mid ah maamulkaasi.

Aamino Cismaan Xaaji oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin cabsi iney ku noolaadaan haweenka Puntland.

Waxay tilmaantay in gabdhihii ay aadi la yihiin iskuullada iyo sidoo kale Jaamacadaha, si taasi looga hortagana ay cadaaladda keenayaan rag badan oo falalkaasi loo haysto.

Dhanka kale, waxay sheegtay in ay hayaan jawaabo cad oo ku aaddan baaritaanno lagu sameeyey rag loo soo qabtay kiisas kufsi ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News