U bood dhigaalka

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Gaaray Galgaduud

Sheeko:Dalka, War

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Alcadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay, warar kale duwan ayaa ka soo baxay safarkooda ay ku tageen gobolka.

Maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda kalae ayaa soo dhoweeyay, waxaana u jeedka safarkooda lagu sheegay sidii  dardargelinya isabaabulka dadka ay ka bilaabeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud,  kuwaas oo ay kaga soo horjeedo  dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoo la filayo in la kulmaan dadka deegaanka..

Safarka wasiir Alcadaala iyo xildhibaan Saabir ayaa safarkooda Galgaduud waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaanno ka tirsan gobolka ay ka jiraan kacdoon ay wadaan dadka deegaanka iyo abaabul dagaal, kaas oo ay kaga soo horjeedaan Al-shabaab, iyadoo ay jirto in ciidanka ka tirsan xoogga dalka la geeyay gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay abaabullo ka dhan ah Al-shabab ka bilaabeen deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay, waxaana jiray in dadka deegaanka ay taageero ka helayaan ciidan xoogga dalka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa ku sugan Galgaduud iyo Hiiraan si ay u dhiirageliyaan.

Goobjoog News