Wasiir Janan Oo Gaaray Beladxaawo, Soo Dhoweyna Loogu Sameeyay

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo dowladda federaalka sheegaty in uu ka baxsaday ayaa maanta gaaray degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Bulshada ku dhaqan Baladxaawo ayaa la sheegay in wasiirka ay halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyeen waxaana la filayaa in wasiir Janan uu warbaahinta la hadlo si uu ugu warbixiyo xirnaanshiyihii ay u geysatay dowladda federaalka.

Wasiir Janan ayaa diyaarad qaasa waxa ay ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in 28-kiii Janaayo uu baxsaday wasiir Janan oo ay ku eedeeyeen in uu tacadi ka geystay gobalka Gedo.

Wixii ku soo kordha warkan halkan kala soco

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW