U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Ka Hadlay Shirkii Deyn Cafinta ee Adis Ababa

Sheeko:Dalka, War

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa ka warbixiyay kulan magaalada Adis Ababa ay kula yeesheen wasiirka wasaaradda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi raxmaan Ducaale Beyle  kaas oo looga hadlaayay arrimaha deyn cafinta dalka, waxaana shirka kaqeyb ahaa wasiirrada maaliyadda ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.

Wasiirka ayaa sheegay shirka uu ku soo dhamaaday si wanaagsan wasiiradu ay si weyn u falanqeeyeen waxaa uuna sheegay in dhammaan laga mideysnaa sidii dalka looga cafin lahaa deymaha fara badan ee ku qoran waxaana uu yiri ” Waxaan magaalada Adis Ababa kaga qeyb galnay labo shir,  shir waxaa uu ahaa shir looga hadlayay arrinta deyn cafinta Soomaaliya meesha uu marayo waxa u dhiman waxyaabaha Soomaaliya laga rabo, warbixin guud oo  la iska siinayay sida arrintaas uu socoto,  wasiiradoodii arrimaha maaliyadda oo dhan ayaa joogay waana dhageysannay wixii Soomaaliya ku filanna waxaa la isla gartay inaan diyaar u nahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo waa dan guud waa dan qaran waa aan u midownay shirkaasna waxaa uu ku soo dhamaaday guul”

Sidoo kale wasiir Xasan oo sii wato hadalkiisa ayaa xusay in kulankii ay la qaateen wasiirka maaliyadda federaalka ka dib dowlad gobaleedyada ay qabsadeen shirkoodii oo dhawaan hakad ku jiray oo aan qabsoomin, waxaa uuna sheegay in la isku soo hadal qaaday in dowlad gobaleedyada ay u midoobaan sidii looga guul gaari lahaa arrimaha deyn cafinta waxaana hadalkiisa ka mid ahaa ” waxaa uu ahaa  shirkii dowlad gobaleedyada oo aan muddo ah aan qabsoomin waxaana looga hadlay arrimo badan wixii looga hadlayna waa wax qoran wixii dib u dhacayna in la soo cusboonaysiiyo in hadda wixii ka danbeeyo shirka wasiirada ay si joogta ah u socdaan in arrimaha maaliyadda sidii hore ay u soo noqdaan labadaas shir si guula ah ayeey ku soo dhamaadeen”

Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda dowlag gobaleedka Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa sidoo kale ka war bixiyay shir  ay la haayeen guddiga maaliyadda ee Baalamaanka oo ka qeyb ahaayeen guddiyada dhaqaalaha ee dowlad gobaleedyada, waxaana uu sheegay asagana inuu si wanaagsan u dhacay waxaana uu yiri ” waxaa jiray shir sidoo kale ay lahaayeen guddiga la socodka maalyadda ee baarlamaanka waxaana ka qeyb galay guddiyada dhaqaalaha ee dowlad gobaleedyada waxaana lagu lafa guray arrimo badan waxaa ayna shirarkaas oo dhan ay ku soo dhammaadeen si guul ah”.

Goobjoog News