U bood dhigaalka

Wax Ka Baro, Taariikhda Shakhsiyaadka uu Farmaajo u Magacaabay Wada Hadallada Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa arbacadii wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Ugu horeyn, taliyahii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Adimral Faarax Qare  oo Goobjoog News kala hadlay  sharci ahaanta madaxweyne inuu shaqo u diro xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ah hey’ad ka madaxbannaan fulinta ayaa difaacay tilaabadaas, isaga oo intaasi raaciyey in ay tahay “ad hoc committee” ama guddi qabanaya shaqo gaar ah, waqti gaaban, howshuudana xadidan tahay, sidaasi darteedna uu madaxweynaha xaq u leeyahay inuu sidaasi sameeyo. Dad badan ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay khibradda guddigan la magacaabay iyo kartidooda ku aadan ka miro dhalinta wada hadallada iyo midnimo lala gaaro  mar kale Somaliland.

Haddaba, Wax Ka Baro, Taariikhda Shakhsiyaadka uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo:

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiyaha guddiga, waxaa oday da’a ah, waxaa uu 1964-tii ahaa tarjubaanka baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo afaf badan wax ku qori jiray ilaa markii dambe xukuumaddii Cali Maxamed Geedi ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo ka noqday wasiirka arrimaha dibadda, hadda waxaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.  Dadka qaar ayaa ku dhaliilo go’aanno uu horay uga qaaday siyaasadda iyo shakhsiyadiisa.

Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), Waa nin da’ ah, waxaa uu soo noqday Komandos, Taliyaha guul-wadeyaasha, Safiirka Soomaaliya ee dalalka  Masar, Sacuudiga iyo Djibouti, waxaa kale uu noqday wasiiru-dowle, markii ay dowladdii Maxamed Siyaad dhaceysay waxaa uu ahaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaa kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa isna lagu dhaliilaa in aanu aheyn qof adag, oo dhiifoon. 

Maxaa Kale Oo Aan Ka Naqaanaa Dadka Guddigan Ku Jira: 

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) : Waxaa uu dhashay 1954, waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaa uu wax ku soo bartay jaamacadda Odesa ee  Ukrain,  waxaa uu Macalin ka ahaa Jaamacadda Gaheyr, kadib markii dambe waa goostay waxaa uuna Jaamacadda Magel ka diyaariyey cilmiga taariikhda PhD ayuu heystaa. Waxaa lagu dhaliilay iney ku yar tahay khibradda diblomaasiyadda iyo wada hadalka.

Dr.Cali Siciid Fiqi: Waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Faransiiska, Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub,  February 16, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah ka dhigay agaasimaha Guud ee Madaxtooyada,  waxaa uu ka soo shaqeeyey UNESCO  iyo ururo kale, Bare ayuu ka noqday University of Palermo, Italy, waa uu PhD ka qaaday Leipzig University. Waxaa lagu dhaliilay fudeyd iyo xanaaq.

 Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse: Waxaa uu PhD ka heystaa cilmiga ciidanka, waa waayo arag, soo bartay istaraatiijiyadda, 1987-dii waxaa uu soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade. Isaga iyo ninka dambe waxaan la ogeyn iney saameyn doonto ka tirsanaanta ciidanka iyo haddii ay geysteen wax caburin ah xilligii ay ahaayeen taliyeyaasha ciidamada booliiska.

 Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli): Waa shakhsi muddo ku soo jiray siyaasadda, waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda iyo sidoo kale duulista hawada Soomaaliya, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka mid noqday xildhibaannada golaha shacabka. Waxaa isna lagu dhaliilay go’aanno badan uu ka qaatay siyaasadda arrimaha dibadda gaar ahaan  dhanka Itoobiya.

Ugu dambeyntii, Shakhsiyaadkan uu hadda xulay madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka duwan  da’a ahaan iyo aqoon ahaanba kuwii ay Somaliland diiday iney hor fariisato March 2015-kii, lamana oga sida ay uga fal-celin-doonaan, laakin khubaro la hadlay Goobjoog News ayaa ku taliyey in marka hore ay haboon yahay in laga wada hadlo “wada hadalka”, lagana bilaabo wax la isku raacsan yahay, oo siyaasadda aan lagu bilaabin.

Goobjoog News