U bood dhigaalka

WFP oo Galmudug u Ballan Qaaday Kordhinta kaalmada la siinayo Bulshada Abaartu Saamaysay

Sheeko:Dalka

Hey’adda cuntada adduunka ee WFP oo kaah-shaneysa wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowlad goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb  ku qabatey munaasabad lagu daahfurayay kordhin lagu sameeyay tirada qoysaska lasiinayo kaalmada beni’aadanimo ee abaaraha oo halkii tiradu awal ka aheyd 23-kun- oo qoys  la gaarsiiyey 73,124-kun oo qoys kuwaa oo helaya kaararka WFP.

Kordhinta tirada qoysaska la caawinaya ee abaaruhu ku saameeyeen deegaanada Galmudug ayaa ah ka jawaab celinta xaalada jirta, waxaana loo qoondeeyay in qoys walbaa bilaha April, May iyo June lasiiyo gargaarkan oo sii socon kara guud ahaanba labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud sida uu sheegay Nuur Cabdi Cali oo ka socday.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa dhankooda kordhinta kaalmada abaaraha ee Galmudug soo dhaweeyay, iyagoo rajo weyn ka muujiyey in ay qayb ka qaadan doonto balaarinta mashruuca quudinta ee dugsiyada iyo la tacaalida xaaladaha Caafimaadka ee abaartu sababtey.

Ugu danbeyn Wasiirka Gargaarka dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawe) ayaa WFP uga mahadceliyay sida ay uga jawaabeen baahida dhanka beni’aadanimo ee ka jirta qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug oo ay ku dhufatay Abaarta baahsan ee ka jirta dalka oo  saamaysay dadka iyo duuyada intaba, taas oo dhalisay xaalad Banii’annimo.

Goobjoog News