U bood dhigaalka

Xaaf: Hala Joojiyo Waxa Ka Socda Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo waxa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xaaf ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay muddooyinkan dambe caadeysatay kala qeybinta bulshada Galmudug, islamarkaana ay bedashay Odoyaashii dhaqanka Galmudug.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xaaf in looga baahan yahay musharraxiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca in maamulkiisa uga dambeeyaan howlaha doorashada.

Sidoo kale, wuxuu beesha caalamka u sheegay in dhib walba oo ka dhashay arrimaha siyaasadda Galmudug ay mas’uuliyaddeeda leedahay xukuumadda federaalka ah.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

Goobjoog News