Xaalad Bini’aadannimo Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Jubbada Hoose

Maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilligan ay deegaanno badan oo gobolkaasi ah ka taagan tahay xaalad dhanka Bini’aadannimada ah.

C/rashiid C/laahi Cali, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilli walbo ay ka maamul ahaan ku dedaalaan sidii daryeel wanaagsan u heli lahayeen shacabka ku dhaqan meelaha uu maamulkoodu gaaro.

Dadka ayuu sheegay in baahiyaha ay qabaan kala duwan yihiin, balse ay ka wada simanyihiin xaaladda bini’aadannimo.

“Maamulkeennu wuu ku dedaalay sidii loogu gar-gaari lahaa dadka, waana wadnaa weli dedaalkeenna” ayuu yiri guddoomiye C/rashiid.

Jubbaland waxaa ku sugan kumanaan qoys oo dib uga soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, kuwaasi oo weli aan helin daryeel wanaagsan.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW