Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Oo Iska Fogeeyey Takoor Ka Dhan Ah Digil iyo Mirifle

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in maamulka Galmudug gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb ay hey’adaha amniga si gaar ah ugu yeereen dadka ka soo-jeeda beesha Digil iyo Mirifle ee maamul goboleedka koonfur galbeed, iyaga oo ka dalbaday iney guuraan ama xoog lagu tarxiili-doonno, arrintaas oo maamulka Galmudug iyo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay ku tilmaameen daacayd waxbo kama jiraan ah.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Ibraahim Jeekey  oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay “Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda deegaanka koonfur galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega, oo dammiin ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantiodooda”.

Waxaan kale oo aan weydiinney dadka loo yeeray“Dadka loo yeeray waa dadka deegaankaas ka soo jeeda, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, timo-jarayaal, waratada iyo dhamaan qofka kasta oo jooga Dhuusamareeb, waana yimaadeen, oo waxaa ay ballanqaadeen iney la shaqeynayaan hey’adaha amniga” .

Ibraahim Jeekey mar uu ka jawaabayey, sow arrintaas takoor ma aha waxaa uu yiri “Maya, qofka oo halkan yimaado waa lala socdaa, dammiin waa la weydiiyaa, xataa dadka gobolladaas ka soojeeda ee deggan Guriceel horay ayaa arrinkaas loogu sheegay, oo ay dhaqan-geliyeen, wax cusub ma aha, oo iyaga ayaa raali ka ah, waad hubsan kartaa”.

Goobjoog News waxaa kale oo ay weydiiysey sida dadkaasi looga arko deegaanka “Walaal dad ajnabi kama aha halkan, Guriceel ganacsiyada ugu badan haatan iyaga ayaa ku leh, keliya ganacasato ma ahee rixim ayey noqdeen iyo qaraabo, arrintan laga dalbaday ee ah in qofkii ku soo dega ama, kii kalana amniga ku wargeliyaan waa wax caadi ah, ee cid guura dhahday ama takoortay ma jirto, waa dad Soomaaliyeed, oo xuquuq leh”.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Waa istaahil in meel walba laga eryo, waxa qaraxa is qarxinta loo adeegsadaa waa iyaga, dadkaan lama noolaan karaan bulshada kale. taasi waa cadaan. mar kasta waa iyaga waxa la adeegsadaa. aawey ugaasyadoodii aawey madaxdoodii? malaha miyaa dakaan wax wacyi geliya, waa dadka ugu sahlan ee shabaab tashkiiliyo, kooda gaarigacan Galkacayo kaga shaqeynayaa maalinta dambe waxad maqleysaa wuu is qarxiyey, maxaa wada? meel kasta waa laga eryayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW