U bood dhigaalka

Xarunta Het’adda Maareynta oo Laga Dhagaxdhigay Magaalada Garowe

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirka Gar-gaarka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland, Iyadoo Gudoomiyuhu uu dhawaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah.
Sidoo kale Wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo ay oga mahadceliyeen Hay’adda maaraynta musiibooyinka.
Ugu danbayn Gudoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka. Duulista Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan.