U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Geeriyooday Golaha Wakiillada Jubbaland iyo Madaxda oo Ka Tacsiyeysay

Sheeko:Dalka

Geerida ku timid allah u naxariistee xildhibaan Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo shalay ku geeriyoday Kismaayo kadib markii gaarigiisa loogu xirayqarax ayaa waxaa ka tacsiyeey madaxda maamul goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sugan Garowe ayaa qoraal  uu soo dhigay waxaa uu  cambaareeyey dil loo geystay xildhibaanka, waxaana uu tacsi u diray baarlamaanka maamulka iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku xireen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay”
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas ayaa sidoo kale ka tacsiyey dilka xildhibaanka waxaana uu laamaha ammaanka uu faray in ay dabagal ku sameeyaan dilka qaraxa loo adeegsaday ee xildhibaanku ku baxay.
Goobjoog News