U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Doorashada Ay DF Rabto Iney Ka Dhacdo Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka tirsan xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee ka falceliyey qorsho ay dowladda federaalka ah ku dooneyso iney doorasho uga dhacdo Galmudug.

Xildhibaan Mahad oo arrintaas ka hadlaya mar uu qoraal soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu yiri “Sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG: Inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.

Mudanaha oo sii-hadalaya “Sidaas daraadeed, Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado”.

Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay xalay saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto.

Goobjoog News