U bood dhigaalka

Xildhibaan Warsame Joodax: DF Waxay Galmudug Ka Waddaa Boob

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in sidii loo baahnaa aysan wajihin maamul u sameynta Galmudug .

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Galmudug waxa hadda ka jira ay tahay boob iyo nin jecleysi  lagu kala geeynayo dadkii reer Galmudug ee heshiiska ku ahaa dhismaha maamul lagu  mideysan.

“Maamulkan iyo dowladdan wax ayey ka sii badali doontaa, waa sii hagaajin doontaa, waa sii casriyeyn doontaa ayaan is laheen, in ay wax ka badasho iska daaye in la is booboo , oo hoos  la isku boobo, korna la isku boobo ayey mareysaa, waxaa la sugayey maamul hufan oo dadka Galmudug iyo dadka kalaba u muujiya wanaag iyo Dimoqoraadiyad cadaalad iyo wax wadaag meeshii laga sugayey in dhib badan la abuuro ayaa ka dhalatay”.

Xildhibaan Warsame oo hadalkiisa siiwato ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii iyo madaxdii laga heli lahaa Garsoor iyo Cadaalad   bulshada Galmudug u dhaxeyso  iyagu ay ku tummanaayaan, waxaana uu intaas ku daray in xiligaan aan bulsha Galmudug aanan lagu qasbi karin wax aysan ayagu rabin oo codkooda aysan ku dooran.

“Maamulkii qaran ee isaga Garsoorka laga rabay haddii uu isagu Garsooka ka tago ee cadaalad darri lala yimaado, dadku wuu dirirayaan maamulkii la rabay inuu dhismana dhismimaayo, dhammaan dadka Soomaaliyeed ee qeylinaayo  oo aad maqleyso oo ka cabanaya maamulkii meesha la keenay ee ahaa guddigii dhismaha Galmudug ama madaxdii sare oo go’aan gaarista la heyd ayaa ka shaqeeyey iyaga oo dad iyo dano kale  u hiilinayo”.

Dhanka kale, Xilshibaan Warsame Maxaned  ayaa carabka ku dhuftay in qalalaasaha doorashada Galmudug ay mas’uul ay ka tahay dowladda fedraalka ah oo iyadu wax waliba isku koobtay cidna aan ka talo gelin.

“ Ahlu  sunna xaq waa ay leedahay oo maamulkii meesha ka jiray, maamulkii meesha ka jirayna in la xurmeeyo xiligiisa la gaarsiiyo, xiligii mamul hufan dowladdu kala wareegi laheed maamulkii la gaarsiiyo xuquuqda iyo xurmada ay leeyihiina lasiiyo waaye, wixii la siiyey meel gaar ah ma geynin oo Galmudug ayey dib ugu soo laabatay oo beelaha ayeey xubno ka qaadanaayeen”

Ugu danbeyn Xidhibaan Warsame  Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay in khilaafka aan dhammaan ee Galmudug labeedii maamul dhisme galay ay mas’uul ka tahay in mar waliba Dulmi la dhexgeeyo dadkaas, waxaana uu xusay in ay yihiin dad aan Dulmiga loo bilaabin.

“Galmudug waxaan qabaa waa dad haddii wanaag jiro rabo haddii la dhexgeeyo wanaag lehna waaye, lakiin haddii ay arkaan in la is dulminaayo aan dulmiga loo bilaabin waxaan leenahay dulmiga ha laga daayo dad is maamuli kara oo wax wadaagi kara oo wax ka dhexeyaan in ay is qanciyaan ay suurto gal tahay waaye”.

Galmudug News