Xildhibaannada Galmudug Oo Kulan Degdeg Ah Ku Leh Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya  magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta ay halkaasi kulan degdeg ah ku yeelan doonaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa isugu yeeray mudanayaashan, lamana oga ajendaha kulankooda waxa uu yahay.

Warar madax-banaan ayaa waxay sheegayaan in arrimaha looga hadli doono kulankan ay tahay khilaafka soo kala dhexgalay guddiga doorashada ee dhowaan la magacaabay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW