U bood dhigaalka

Xog: Dhimasho iyo Khasaare Kale oo Ka Dhashay Dufaan Ka Kacday Puntland

Sheeko:Dalka

Warar ayaa laga helayaa  roobab dabeylo wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey gobolka Bari ee dowlad goboleedka, Puntland, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo roobabkaas ka dhashay.

Magalaada Boosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa la soo sheegayaa roobab ka da’ayey xalay ilaa iyo saaka, kuwaas oo biyo badan dhigay magaalada, isla markaana xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Waxaa sidoo kale roobabku ay saameeyeen goobaha ganacsiga iyadoo lasoo sheegayo in daadalka ka dhashay roobabka ay gudaha u galeen dhismayaal ganacsi, biyaha ayaana socda magaalada, waxaa dumay guryo badan.

Roobka ayaa waxaa sidoo kale ay saameeyeen  dadka baracayaasha ah ee degan magaalada, kuwaas oo degan guryo ka sameysan cooshado, waxaana sidoo kale dumay baalayaasha korontada, kuwaas oo dhalin karo khasaare nafeed.

Dhanka kale, roobabka oo saacadihii tagay ka da’ay deegaanka Xaafuun ee gobolka Karkaar ayaa waxaa la soo warinayaa inuu dhaliyey khasaare nafeed,  8 ruux oo kalluumaysato ah ayaa geeriyooday waxaana jiro dhaawacyo kalluumaysato.

Dhimashada ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaanka Hadiya oo hoostaga deegaanka Hadiya kaas oo hoos yimaado deegaanka Xaafuun, 8 ruux ayaa waxaa ay u dhasheen Yaman, halka kuwa dhaawaca ah lagu sheegay Soomaali.

Gobolka Bari ayaa dhowaan waxaa laga digay in ay ka di’i  karaan roobab dabeylo wata, roobka ayaana waxaa ay yihiin kuwo dabeylo wata oo ka da’ayo dhulka xeebta ah ee gobolka Bari.

Goobjoog News