U bood dhigaalka

Garoowe: Teleefishinka Puntland oo maanta dib u bilaabaya howlihiisa

Sheeko:War
Boorka raadiyaha iyo Telefishinka Puntland, Xarunta Garoowe
Boorka raadiyaha iyo Telefishinka Puntland, Xarunta Garoowe

Madaxda Telefishanka Puntland Xafiiska Magaalada Garoowe ayaa sheegay in howsha Tv-ga qayb ka mid ah ay ka socotay Magaalada London oo uu ku yaallo Xafiiskiisa ugu wayn.

Shaqaalaha Telefishanka ayaa sheegay in qal qal ay dareemeen markii ay arkeen maleeshiyo hubaysan oo gudaha u soo galay Xarunta.

Madaxa Barnaamijyada Telefishanka Puntlan Xuseen Yusuf Axmed Shiiino ayaa Goobjoog FM u sheegay in maanta uu dib howlihiisa u bilaabi doono Telefishinka Puntland ee Garoowe.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa goor sii horeysay oo shalay ah si qasab ah kaga saaray Maleeshiyaadka la waregay Xarunta Telefishanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Ragan ayaa shalay xoog kula wareegay xarunta Raadiyaha iyo Talefishinka maamulka Puntland, Kooxahani hubeysan ayaa ku labisnaa dharka ciidamada Puntland iyo dhar kaloo shacab ah, waxayna shaqaalaha ku qasbeen inay isaga baxaan xarunta dhexdeeda.

Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland ayaa lagu soo waramay in shalay xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay.

Saraakiisha xilalka laga qaaday waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamada Madaxtooyada iyo saddex kale oo uu ka mid yahay agaasimihii xarunta TV-ga Puntland ee Axmed Kismaayo.