U bood dhigaalka

B/weyn Oo laga Hirgaliyey Ciidamo ka Hortaga Dhaca

Magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa laga hirgaliyay Ciidamo gaar ah kuwaasi oo ka hortaga falalka la xiriira dhaca.

Dhamme Carab Yuusuf oo ah taliyaha ciidanka ka hortagga dhaca oo dhowaan laga hirgaliyay B/weyn ayaa Goobjoog News uga waramay sababaha keenay in Ciidankan la aas-aaso.

“ Cid kasta oo aqli laeh oo wax dareemeyso waa ay garan kartaa sababta loo sameeyay ciidankan, ciidamadan waxaa loo sameeyay sugidda amniga gobolkan, Saraakiisha ayaa waxaa ay arkeen in amniga gobolka uu faraha ka sii baxayo sidaas darteed waxaa ay go’aansadeen in la sameeyo ciidan lagula xisaabtamo Mas’uuliyaddaas” .

Taliye Dhamme waxaa uu tilmaamay tan iyo Markii ciidamadan laga hirgaliyey Magaalada in wax weyn ay qabteen isla markaasna ay sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada, waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay hadda ku daba joogaan burcad duleedka B/weyn dhac ugu geysatay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah.

“Dadka waxaa ay dareemayaan is bedal Saacadihii ugu dambeeyay waxaa  ka dhacay duleedka Magaalada Kiisas, waxna hadda ayaa gacanta ku heynaa waxna waan ku raad joognaa .

Ciidamadan ayaa waxaa ay ka howl gali doonaan gudaha Magaalada iyaga oo si gaar ah uga hortagi doono Falalka la xiriira dhaca iyo amni darrada.

Goobjoog News