U bood dhigaalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo xarigga Ka Jaray Garoonka Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray Garoonka kubbadda Cagta Stadium Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay tan iyo markii ay Dowladda kala wareegtay Ciidamada Amisom 27-Auguts 2018.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,wasiiro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlaamanka iyo ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa ka qeyb galay daah furka garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.

Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa 16-sano ka dib wada dheelay furitaanka garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana guusha 2-1 ku qaatay xidigaha ciidanka xoogga dalka ee Horseed,iyadoo goolkii ugu horeeyay mudo ka dib garoonka uu dhaliyay laacibka Horseed Xasan Xasaasi.

Si kastaba bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre kaga mahad celiyay dib u soo celinta gegida Muqdisho Stadium.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Mawduucyada:Banaadir