U bood dhigaalka

Wasiir Axmed Fiqi Oo Hambalyo U Diray Kooxda Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Iyadoo Ciyaartooyda Kooxda Galmudug ay sanadkan wacdaro ku soo bandhigeyn tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,ayna markii ugu horeesay u soo gudbeen heerka Afar dhamaadka tartankan ayaa waxaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray Madaxda iyo Hogaanka bulshada kala duwan ee ka soo jeeda deegaanada kala duwan ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la qabanayo sanadkii sadeexaad ayaa kooxda Galmudug sanadihii 2016 iyi 2017 waxa ay kooxda ku haraysay heerka Kowaad,balse sanadkan is badal ay sameeyeen hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug ay u suura gashay in ay kor u qaadan sharafka reer Galmudug,iyagoo deegaanada kala duwan iyo qurbaha ka keenay ciyaaryahano tayo wanaagsan kuwaas oo natiijo sare ugu soo baxay Group A oo ay kuwada jireyn kooxaha Gobolka Banaadir iyo Hirshabeele.

“Sii laba jibaaran,da’daalkeena si aad ugu guuleystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaan idinka sugaynaa in aad koobka iyo biladaha ka soo dajisaan  Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb ayaa bartiisa facebooka ku soo qoray Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir

“Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Galmudug, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug iyo dadweynaha Galmudug guusha ay ka gaareen waa horomarka iyo is badalka ka socoda Maamul Galmudug” ayuu ku soo qoray bartiisa bulshada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal.

“Cayaartoyda walaalaheen Hirshabeele waa da’daaleen waxayna cayaareen cayaar adag, waxayna illaa iyo daqiiqadii u danbaysay ay muujinayeen dadaal aan kala go’ lahayn,sidoo kale taageerayaasha Galmudug ee garoonka ku sugnaa,waxay ahaayeen qeyb ka mid ah guusha,wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Galmudug waxa ay mas’uuliyad iska saartay dhiiragelinta iyo horomarka kooxda” ayuu isna bartiisa facbooka ku soo daabacay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Daawo Hamblayo Madaxda Iyo Siyaasiinta Ee Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle