U bood dhigaalka

Deegaan Hoos Taga Cadaado oo Ceel Biyood Laga Hirgeliyay

Sheeko:Dalka

Wasiirka tamarta iyo biyaha dowlad Galmudug Maxamud Cabdi Axmed iyo Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi cabdiraxmaan ”Tootole” ayaa si wada jir ah u xarigga uga jaray Ceel laga hirgaliyay degaanka Wad ee Gobolka Galgaduud, kaas oo ka mid ahaa degaannada ay biyo la’aantu ka jirtay, abaartuna siwayn u saamaysay.

Ceelkaan ayaa waxaa hirgeliyay dad muxsiniin ah oo warbaahinta kala socday xaaladda deegaanka ka jirtay kadib markii laba bilood ka hor la baahiyay,  waxaana dadka deegaanku ay siweyn uga mahadceliyeen ceelka laga qoday deegaanka, oo hoos yimaado Cadaado, waxaana ka jirtay abaar baahsan oo dad iyo duunyada saamaysay intaba.

Dadka degeanka Wad ee Gobolka Galgaduud ayaa ka codsaday maamulka  Galmudug iyo dowladda Soomaaliya in loo dhameystiro dhismaha Ceelka oo hada biya keenay oo kaliya. Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxman  ayaa sheegay in ceelkan ay ka faa’iideysan doonaan dadka deegaanka oo baahi weyn u qabay .

Wasiirka tamarta iyo biyaha dowlad goboleedka  Galmudug Maxamud Cabdi Axmed ”Kaarshe” ayaa dhakiisa sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Ceelka, sida baraagaha xoolaha lagu waraabiyo iyo barkada lagu kaydiyo biyaaha, waxaana uu xusay in maamulka uu dhamaystiri doono ceelka.

Goobjoog News