U bood dhigaalka

Urur Siyaasadeedka Mideeye Oo Ku Guulaystay Duqa Deg. Qardho

Abriil 11, 2022

Golaha deegaan Degmada Qardho gobolka Bari ee Puntland oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 2021-kii ayaa markii ugu horaysay soo doortayguddoomiyaha degmadaas iyo duqa magaalada, kadib doorasho dhacday.

Golaha deegaan ayaa guddoomiyaha iyo duqa magaalada waxaa ay u doorteen Cabdi Siciid Qaal, kadib markii 20 cod uu ka helay golaha oo ka kooban 33 xubnood, waxaana musharraxii la tartamay uu helay 7 cod oo golaha ah.

Golaha deegaanka magalaada Qardho ayaa waxaa lasoo doortay 25-kii Octobar 2021-kii, doorasho qof iyo cod ah oo maamul goboleedka Puntland ay qabatay markii ugu horaysay, waxaana ay doorteen guddoomiye cusub 2022.

Goobjoog News