U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Booqday Xeryaha Barakacayaasha Dhoobley

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa maanta kormeeray xaafadda Danwadaagta ee degmada Dhoobley halkaas oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, xilli ay intooda badan ay kasoo hayaameen abaarta ka jirta deegaannada ku xeeraan degmada.
Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna uu sheegay in hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo ay quusayso loo gudbiyo xaaladda dadkaan si looga jawaabo baahiyahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ay ku jiraan.
Dadka ku nool xaafadda Danwadaagta ayaa isugu jira dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dad kale oo ku barakacay gudaha sida dadka ay saamaysay abaarta, kuwaas oo deegaanka soo gaaray ayaa kasoo barakacay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolada Jubbada, Dhexe iyo gobolka  Gedo.
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
May be an image of 10 people, child, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 2 people and outdoors
May be an image of 10 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people and outdoors
May be an image of 7 people, people standing and outdoors
Goobjoog News