U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo La Kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee  Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalamigaXukuumadda Federalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay , Wakiilka Xoghayaha Guud ee  Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergada Ururka ee Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elgunei.

Kulanka ayaa waxalooga hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa kala duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, waxaana uu sigaar ah ugala hadlay sidii wadamada ku mideysan Jaamacadda Carabta ay uga qeyb qaadan lahaayeen Gurmadka Abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa ergayga uga warbixiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida ee ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, iyo ololaha gurmadka loogu gargaarayo dadka ay abaaruhu saameeyeen dalka oo maraya xaalada aad looga cabsi qabo heer macluul ah.

Goobjoog News