U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxweyne Qoorqoor oo Kormeeray Xerada Harqaboobe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen.

Ciidankaan ayaa hadda u  diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab eek a socda deegaannada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug iyo deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka maqan gacanta maamulka.

Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah ka dhigay gobolka Mudug.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo in ay Al-shabaab  kala soo baxaan godadka ay ku jiraan sida uu hadalka u dhigay xilli uu u jeediyay hadal dardaaran u muuqday wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad dhiiri-gelin ah i jeediyey ciidanka ayaa sheegay in balantu tahay in ay socodka dambe isku arkaan deegaano cusub oo Al-shabaab laga saaray oo ay hadda maamulaan kooxda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Galmudug