U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo Fulisay Dilal Qisaas ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka kala tirsanaa ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xoogga dalka, kuwaas oo hore u geystay dilal kale duwan sida ay maxkamaddu caddeysay.

Dembileyaasha ay maxkamaddu Ciidamada ay dilka ku xukuntay waxa ay kala yihiin Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Cabdullaahi, Ibraahim Yarow (Borow) oo ka tirsan Boliiska KGS, iyo Sheekh Aadan oo ka tirsan Militariga.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo saaka xukunkeedii dilka ku fulisay askartii hore dilaalka u geystay ayaa sidoo kale ku hawlaneed waayahan wadey qaadista iyo oofinta kiisaska ku saabsab dilal lagu fuliyay shakhsiyaad dilal ugu geystay muwaadiniin kale.

Mawduucyada:Banaadir