U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliska Africom iyo Xoogga Dalka Kala Hadlay Dhameystirka Wajiga 1-aad ee Dagaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay waxay si weyn uga hadleen dagaalka Al-Shabaab iyo sidii loosoo gebogabeyn lahaa Wajiga 1aad ee dagaalka, iyadoo dowladda Maraykanku ay taageero ay ka siiso dhinaca circa ah ciidanka Dawladda iyo kuwa deegaanka ee ku jira howlgalka ka socda gobollada dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadooMadaxweynaha iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama ay gacanta ku dhigeen deegaanno istaariiji ah oo laga saaray kooxda.

Kulankan oo sdoo kale uu ka qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibrahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in dagaalka kooxda loo midoobo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn si loo soo gebagebeeyo dagaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muddo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ka abaabulayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab laga saaray inta badan gobolka Mudug, howlgalkuna uu u soo wareegayo Bariga Gobolka Galgaduud inta xilli roobaadka ah.

Mawduucyada:Banaadir