U bood dhigaalka

Xubno Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan Uga Qeyb Galay Wadanka Angola.

Xubno ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulan waxaa ay uga qeyb galayaan Magaalada Luanda ee dalka Angola, kaas oo ay kasoo qeyb galayaan xubno kale duwan oo ka kala socda dalalka Qaaradda Afrika Baarlamanadooda, waxaana looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo quseeya.

Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo Xoghaye Ku-Xigeenka Golaha Shacabka Mudane Maxaamed Cabdullahi Cabdi (Ciyow), kuwaas oo wadajir ku gaaray madasha.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha la xisaabtanka Baarlamaannada adduunka iyo muhiimiyadda ay leedahay in laga guuro isticmaalka waraaqaha oo hadda ay inta badan isticmaalaan Baarlamaannadu loona guuro habka casriga ah (Digital-ka), kaas oo qeyb ka ah isbeddelka.

Xoghaye Cabdinaasir oo bogaadiyay shirka ayaa ballanqaaday in Baarlamaanka Soomaaliya ay dardargelin doonaan ku shaqaynta habka casriga ah ee Digital-ka, arrimaha matalaadda, Shuruucda iyo islaxisaabtanka, taas oo sal u ah dowladnimada iyo sarreynta sharciga sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kasoo muuqanayay madallo caalami ah oo ay ku kulmaan baarlamaannada caalamka, taas oo ku tuseysa sida Baarlamaanka Federaalka uu markaan u qaatay door muhiim ah, iyaga oo dhowaan ka qeyb galay kulanka Baarlamaannada Adduunka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu safar uga soo laabtay Mareykanka, isaga oo halkaas ku la soo kulmay xubno ka socday Aqalka Wakiillada Mareykanka oo uu kala hadlay xoojinta iyo wadashaqeynta.