U bood dhigaalka

Muqdisho oo Maanta Looga Barooqdiiqayo Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii 29-Kii Oktoobar 2022

Maanta waa maalin kale oo Soomalaida aan u wanaagsaneyn marka lagu jiro gebogebada bisha Oktoobar. Maanta oo kale 29-kii Oktoobar oo ku beegnayd maalin Sabti ah waxaa markale dhacay musiibadii qaraxii Soobe 2, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed ka badan 100 ruux.

Maanta Isgoyska Soobe waxaa isugu soo baxay bulshada caasimadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana lagu qabtay dibadbax ballaaran oo lagu xusayo Qaraxii 29-Oktoobar 2022, sidoo kalena loogu duceynayo dadkii ku nafwaayay halkaasi iyo kuwii kale ee dhaawaca kasoo gaaray.

Banaanbaxa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Waxbarashada, Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka, Xildhibaanno katirsan Labada Golle ee Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda, kuwaas oo u badnaa arday marka la eego dibadbaxayaasha.

Qaraxii 29-Oktoobar 2022, waxaa dadkii wax ku noqday ku jiray arday Soomaaliyeed, kuwaas oo saf ugu jiray qaadashada Shahaadada dugsiga sare iyo dad kale oo shacab ah oo ku ganacsanayay Isgoyska Km5, kuwaas oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kale duwan oo waxyeeladu gaartay.

Mahadhada iyo murugada Soobe ayaa bisha Oktoobar waxaa ay tahay mid shacabku si weyn ay u xusuusan doonaan sannad walba, marka laga anbo qaado wixii isla isgoyskaas ka dhacay 6 sano ka hor iyo 14-kii Oktoobar maalin kale oo Sabti ah, iyo 29-kii Oktoobar 2022, oo maanta xuskeeda uu socdo.

Muqdisho ayaa maanta ka duwan sidii hore oo waxaa ay helaysaa amni soo hagaagaya, taas oo looga mahadcelinayo Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo kaashanaya NISA. Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duurka u jooga dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan.

Mawduucyada:Banaadir