U bood dhigaalka

Ismari-waaga Doorashadda Puntland: Faallo

Kadib burburkii Dowladdii Dhexe ee 1991, waxaa meesha ka baxay hay’adihii dowliga ee u idmanaa ka shaqeynta amniga, kala danbeynta iyo bixinta adeegga dadwaynaha. Maadama qaab-dhismeedka bulshada Soomaaliyeed uu ku saleysanyahay heybta qabiilka, waxa firaaqii daboolay oo booskii dowladnimada buuxiyay qabiilka. Dadaallo dib u heshiisiineyd oo gayiga Soomaalida ka socday in muddo ah ayaa ugu danbayntii horseedday yagleelidda Jamhuuriyadda Seddexaad (Third Republic), iyada oo dhidibbada loo taagay hannaan dowladeed oo ku dhisan nidaamka federaalka, dheellitirnaanta saami-qaybsiga beelaha iyo nidaam baarlamaani ah. Deegaannada Puntland waxay in muddo ah ku naaloonayeen xasillooni u oggolaatay in goor hore dhistaan maamul u gooni ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta amniga. Ergo ka socotay gobolada Mudug, Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag oo isugu jiray isimo, aqoonyahano iyo siyaasiyiin, ayaa 1998-dii shir aayo-ka-tashi isugu yimid magaalada Garowe waxay kaga dhawaaqeen maamulka Puntland, waxaana madaxweyne loo doortay AUN Cabdullahi Yusuf Ahmed. Ujeedka ugu weyn ee asaaska maamulka ayaa ahaa buuxinta firaaqii dowladnimo ee guud ahaan Soomaalida la daaladhacaysay xiligaa. Tan iyo markaas, Puntland waxay door muhiim ka cayaaraysay hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Marka laga soo tago helidda dowlad Soomaaliyeed oo ay Puntland hormuud ka tahay, hiigsiga ugu weyn oo ay madaxda soo hoggaamisay Puntland ku taamayeen ayaa ahaa in laga guuro nidaamka ku dhisan xukunka qabaliga iyadoo shacabka awoodda dib loogu celinayo. Balse waxaa jiray caqabado badan oo soo wajahay hirgelinta nidaam doorasho dadweyne oo laga dhaqan geliyo deggaanka, caqabadahaas ayaa horseeday xiisado siyaasadeed iyo walaac hubanti la’aan jihada siyaasadeed ah. Haddaba, qoraalkan waxaan ku eegi doonaa xaaladda ismari-waaga doorashada Puntland, isku dayadii madaxweynayaashii hore ee hirgalinta nidaamkaas iyo caqabadaha ku gedaaman hirgelinta nidaam doorasho dadweyne oo laga hirgeliyo Puntland.

HAYAANKA DOORASHO DADWEYNE

Tan iyo asaaskii Puntland ee 1998-dii, madaxdii kala duwanayd ee soo hoggaamisay Puntland waxay ballanqaadeen ka gudbida nidaamka siyaasadeed ee qabiilka ku saleysan, loona gudbo nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiga, iyadoo la hirgelinayo doorasho xor iyo xalaal ah. Si kastaba ha ahaatee, ballamihii dimuqraadiyaynta iyo siyaasadda xisbiyada badan ayaan wali si dhab u hirgelin, taas oo ay ugu wacan tahay caqabado siyaasadeed iyo kuwo bulsho, kuwaas oo ku kalifay madaxweynayaashiii kala dambeeyay in ay dib ugu noqdaan heshiiskii bulsho ee siyaasadda qabiilka ku salaysan, kaas oo sahlay qori isku dhiib dimuqraadiyadeed, kala danbeyn iyo xasilooni oo in mudo lagu caano-maalay.

Asaaskii Puntland ilaa haatan waxaa la sameeyay afar xil wareejin oo nabdoon, marka laga reebo dhacdadii dhacday xilligii uu xilka hayay madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland AUN C/llaahi Yuusuf. Isku daygii Madaxweyne Yuusuf ee muddo-kordhinta waxaa ka dhashay qalalaase dastuuri ah oo isu rogay dagaal culus oo saameyn weyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee Puntland ku dhaqan. Ugu danbeyn, heshiis ay garwadeen ka yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Puntland ayaa lagu soo afjaray khalalaasa, waxayna arrintaasi sahashay in Cadde Muuse noqdo madaxweynihii ku xigay Cabdullahi ee doorasho baarlamaan ku yimaada. Doorashadii January 2009 ka dhacday Garowe, xildhibaanadda Puntland waxay doorteen Mudane Cabdiraxman Maxamed Faroole oo ka guuleystay sagaal musharax oo la tartamaysay oo uu ku jiray madaxweye Cadde Muuse.

In kastoo Faroole wax badan ka beddelay Puntland, haddana wuxuu ku guuldareystay doorasho dadweyne oo uu damacsanaa inuu qabto isagoo muddo xileedkiisu gabaabsi yahay. Damaca Faroole wuxuu sababy khalalaaso ka dhacay goobaha loo asteeyay cod bixinta, iyadoo markii danbe uu ku qasbanaadaay kusoo laabashada habkii qadiimiga ee odayaasha dhaqanka soo xulayeen xildhibaanadda, doorashadiina waxaa kaga guuleystay Mudane Cabdiwali Cali Gaas oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ballanqaadyadii ugu waaweynaa ee uu sameeyey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa doorashada “qof iyo cod” inta lagu guda jiro mudada uu xafiiska joogo. Isku daygii ugu horreeyay ayaa noqday dhismaha wasaaradda cusub ee dastuurka, federaalka iyo Dimuqraadiyeynta oo ujeedka laga lahaa uu ahaa hirgalinta doorashada golayaasha deegaanka iyo tan madaxweynaha. Ugu danbeyn Gaas wuu ku guuldarreystay qabashada doorasho dadweyne, isaga oo taariikhda markii ay ahayd 30’kii Nofeembar 2018 soo saaray xeer madaxweyne oo dhigayey in doorashada lagu qaban doono habkii hore ee odayaasha dhaqanka soo xulayeen xildhibaanadda.

Dhowr iyo labaatan sanno kadib maanta waxaa muuqata ifafaalo lamid ah middii madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, maadaama xiliga loo asteeyay doorashada Puntland ka harsantahay wax ka yar saddex bilood. Nasiibdarro, ma muuqato ifafaalo muujinaya inay dhici doonto doorashadii heshiiska lagu ahaa. Taas baddalkeeda, waxaa muuqato hub uruursi sababi kara gacan ka hadal dhinacyada iska soo horjeeda ku dhexmari karo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Garowe iyo Boosaso.

SABABAHA ISMARI-WAAGA

Dib u bilaabista geeddi-socodka dimuqraadiyeynta waxay u baahantahay heshiis bulsho, dadaal dhab ah, diyaargarow hufan, iyo wadashaqeyn cad oo ay yeeshaan dhammaan dhinacyada ku lugta leh oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka, ururada siyaasada/xisbiyada, indheergaradka, guddiga doorashada, bulshada rayidka iyo guud ahaan shacabka. Isku dayadii doorasho dadweyne ee Puntland waxaa caqabad weyn ku noqday in aan heshiis lagu ahayn oo hadba madaxweynaha xukunka jooga damacsanaa hirgelinta aragti isaga u gaar ah. Sidoo kale, waxaa jirtay hubsiimo la’aan siyaasadeed iyo in hay’adaha kala duwan ee dowladdu u diyaarsaneyn qabashada doorasho dadweyne maadaama dadweynuhu aad ugu tiirsanyihiin nidaamka qabaliga oo ay adagtahay in si fudud lagaga gudbo. Si walbo ha ahaatee, qodobbada soo socda waxaan ku eegi doonaa aragtiyada ay kala qabaan saamilayda siyaasadda Puntland oo aan la’aantood la qaban karin doorasho dadwayne.

I. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Md. Saciid Cabdullahi Deni oo muddo xileedkiisu gabaabsi yahay wuxuu ku adkeysanaya in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka lagu qabto cod dadweyne. Si kastaba ha ahaatee, waxaan jirin kalsooni mucaaradka iyo musharaxiinta ku qabi karaan nooca dorosho uu rabo Deni, maadama su’aal la gelin karo hufnaanta doorashadii federaalka ee lagu soo doortay xildhibaanada iyo senatarada ka soo jeeda Puntland ee lagu qabtay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe. shacabka iyo saamilayda siyaasadda ayaa isku si usoo dhaweeyay qabashada doorashadii ugu horreysay ee golayaasha deegaanka ee Puntland bishii Oktoobar 2021 ee tijaabada saddex degmo, balse nasiib darro waxaa gaabis ku yimid dardargelinta dimuqraadiyeynta, taas oo ay ugu wacnayd ololaha uu u galay doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda waxaa kor usii qaaday kadib markii madaxweyne Deni uu diiday in degmooyinkii uu mucaaridka ku adkaaday qaarkood inay ku fadhiistaan golayaasha deegaanka iyo maayarrada la soo doortay, taas oo keentay in dad badani kalsoonida kala noqdaan.

Markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee Dowladda Federaalka, wuxuu dib u billaabay doorashada golaha deggaanka, wuxuuna qabtay doorashooyinkii deegaanka ee degmooyinka harsanaa marka laga reebo caasimadda Garoowe iyo laba magaalo oo kale oo ka tirsan gobolka Nugaal. Doorashadan oo muran badan dhalisay ayaa keentay in dagaal uu dhexmaro dowladda iyo maleeshiyo beeleed kasoo jeedda Garoowe, kuwaas oo diiday in deegaannadooda ay ka dhacdo doorashada golaha deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, doorashadii golaha deegaanka waxa hareeyay muran iyo isqabqabsi iyada oo ururada siyaasadda qaar ay diideen inay qayb ka noqdaan hawsha.

II. Mucaaradka Puntland

Mucaaradka Puintland waxay si cad kaga soo horjeesteen damaca Madaxwayne Deni ee ku aaddan doorashada Puntland, waxayna ku baaqeen in madaxwaynuhu ilaaliyo heshiiska bulshada ee dimuqraadiyadda qori isku dhiibka ku saleysan oo ay Puntland kusoo caano-maashay dhowr iyo labaatankii sanno ee lasoo dhaafay. Mucaaradka waxay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay tab waliba kaga hortagaan damaca Saciid Deni. Haddaba waxaan shaki ku jirin in mucaaradka Puntland hubeysanyihiin, halkaasina ka dhalan karto khalaase horseedi kara burbur iyo barakac. Mucaaradka Puntland wuxuu hadda qorsheynayaa inuu magacaabo guddi doorasho iyaga u gaar ah, kaas oo sida ay sheegeen, qaban doona doorashadii lagu ballansanaa 8’da January. Mucaaradku waxay soo saareen jadwal doorasho oo iyaga u gaar ah kaasi oo sii murjinaya walaacii laga qabay isqab-qabsiga sii dabadheeraada.

III. Siyaasiyiinta Dibad-joogda ee Puntland

Siyaasiyiinta kasoo jeedaa Puntland ee xilalka kasoo kala qabtay Puntland iyo federaalka oo ay ugu horreeyaan Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa kasoo horjeestay qaabka ay wax u socdaan, waxayna si cad u diideen wax ay ugu yeereen “muddo kordhinta Siciid Deni damacsanyahay”, iyagoo labada dhinac ugu baaqay ilaalinta nabada iyo wadajirka.

IV. Odayaasha Dhaqanka

Wadatashiyo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa inta badan odayaasha dhaqanka waxa ay gaashaanka ku dhufteen suurtagalnimada in doorasho dadweyne dhacdo, kadib markii la isku khilaafay hanaanka iyo waqtiga oo gabaabsi ah. Waxay soo jeedinayaan in dib loogu noqdo nidaamka qabiilka, oo ay beeluhu soo magacaabaan 66 wakiil oo dooranaya madaxweynaha. Iyadoo ay taasi jirto, Madaxweyne Deni ayaa ku gacan seyray go’aankaasi, isagoo sheegay in go’aan ka gaarista arrimaha doorashada looga baahan yahay axsaabta siyaasadda iyo guddiga doorashada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, welwelka ku saabsan madax-bannaanida guddiga ayaa ka dhashay markii ay soo saareen jadwalka iyada oo aan lagala tashan xisbiyada siyaasadda. Tani waxay sii kicisay cabsida laga qabo xaq-soorka iyo hufnaanta hannaanka doorashada. Mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale Madaxwayne Deni ku eedeynaya in odayaasha dhaqanka uu u u kala qeybinayo qaab qabiil, uuna rabo in beelaha qaar ay u hiilinayaan maamulkiisa, qaarna ay isaga kasoo horjeedaan.

MUSTAQBALKA IYO XALKA MUSHKILADA DOORASHADDA

Dariiqa kaliya ee furan waa in lagu soo noqdo nidaamka qabiilka, doorashadana lagu qabto waqtigeeda. Xukuumadda soo socota waa inay ka go’an tahay inay sii waddo nidaamka dimuqraadiyaynta. Dib-u-dhaca taariikhda doorashada ee loo qorsheeyay 8’da Janaayo, waxay ka dhigantahay tusaale khatar ah oo hogaamiyayaasha xilka kala wareegaya ay ku dhaafi karaan waqtigooda. Waxaa la joogaa waqtigii reer Puntland ay garab istaagi lahaayeen oo ay u midoobi lahaayeen ilaalinta nabadda iyo dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland, si Madaxweyne Deni uusan xukunka ugu sii hayn wax ka baxsan shaqadii loo igmaday, loona gaari lahaa heshiis doorashada waqtigeeda lagu qabto. Waxaa sidoo kale muhiim ah in indheergaradka Puntland ay dhiirigeliyaan wada hadal dhex mara cid kasta oo ay khusayso doorashadu sida madaxweyne Deni, odayaasha dhaqanka, ururada siyaasadda, indheergaradka, isimada iyo guud ahaan saamilayda siyaasadda, si xal nabadeed oo is afgarad ku salaysan looga gaaro khilaafka doorashada. Tani waxay sahlaysaa adkeynta muhiimadda ay leedahay ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka Puntland. Isbeddel kasta oo la soo jeediyo oo lagu sameeyo taariikhaha doorashada ama habraacyada waa in ay noqdaan kuwo waafaqsan qaab-dhismeedka sharciga oo u baahan ansixinta baarlamaanka.

Mawduucyada:Puntland