U bood dhigaalka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Kulmay Taageero u Muujiyay Musharrax Fowziya Yuusuf Xaaji

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta guddoomisay kulanka 11-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa xubnaha guddiga joogtada uga warbixisay xaalada guud ee dalka iyo guud ahaan waxyaabaha hortebinta u leh dowladnimada dalka, waxaana kulanka lagu ajandeyay heshiiska ku biirista ururka Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka guddiga joogtada ayaa sidoo kale lagu taageeray Musharaxa Dowladda Soomaaliya ee u taagan qabashada Ururka Midowga Afrika, Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan, oo noqotay Haweeneyd ugu horeysay oo Soomaali ah isku sharaxday xilkaas.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga joogtada ayaa aad ugu dooday arrinta la xiriirta heshiis beenaadkii ay wada-galeen maamulka Soomaaliland iyo dowladda Itoobiya kaas oo ay guddigu adkeeyeen in loo midoobo, waxaa ayna guddiga joogtada adkeeyeen in madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda.