U bood dhigaalka

Maxuu Ahaa Ajandaha Looga Hadlay Kulanka Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka iyagoo soo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadu soo jeediyeen in Baarlamaanka la horkeeno wixii heshiis ah oo ay Xukuumaddu soo gasho iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xiray fadhiga maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaamaanka 11-aad intuu jiray wax badan uu qabtay, waxaana uu xusay in maalinta Arbacada ah xili hore la yimaado si loo dhameystiro dooda ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, kadib markii dhowaan golaha uu meelmariyay habraaca dib u eegista iyo waxkabedelka dastuurka dalka.